Afsoomaali

HandshakeMartiyey, soo dhawaada!

HIRED waxay ka mid tahay hay’adaha aadka loo tixgaliyo oo bixiya khidmadaha shaqo-qorista iyo tababarada ee Minneapolis – St. Paul iyo nawaaxigeeda. Waxaa la aasaasay 1968, hadafkeeduna uu yahay in ay bixiso la shaqeyn shaqsi ahaan iyo soo bandhigid xal u helida shaqada. HIRED waxay taakulaysaa dadka dan yarta ah iyo kuwa kale ee shaqo doonka ah si ay u noqdaan kuwa u qalmi kara shaqada iyo helitaankeeda.

HIRED waxay xafiisyo ku leedahay Minneapolis, St. Paul, Brooklyn Park, Brooklyn Center iyo Bloomington.

Wixii faahfaahin oo ku saabsan HIRED, la soo xiriir Samatar Sooyan, tel: 651-328-2793, ama email.